Hambalyada Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfurbari Soomaaliya ee Munaasabadda 1-da Luulyo
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfurbari Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Axmed (Cumarey), ayaa shacabka Koonfurbari iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda qiimaha leh ee sanad-guurada 66-aad ee 1-da Luulyo, oo ah maalin taariikhi ah oo xambaarsan xusuusta gobannimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin ku weyn taariikhda Soomaaliya, maadaama ay ahayd maalintii ay shacabka Soomaaliyeed heleen xorriyaddooda, isla markaana ay ku midoobeen labada gobol ee waqooyi iyo koonfur, si loo dhiso Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Mudane Cumar Cali Axmed (Cumarey) ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ilaashadaan qiyamka qarannimo, midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada, kuwaas oo saldhig u ah horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. “Munaasabadda 1-da Luulyo waa fursad aan ku xusno halgankii iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda, isla markaana aan ku cusboonaysiinno dadaalkeenna ku aaddan dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo mideysan,” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo horumar joogto ah, isagoo ugu baaqay dhammaan bulshada in ay ka wada shaqeeyaan mustaqbal wanaagsan oo ay ku wada naaloodaan jiilasha dambe. Hambalyo 1-da Luulyo — Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.
