Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfurbari Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto Madaxweyne oo lagu magacaabay Xuseen Abuukar Xasan (Garweyne) xilka Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dib u heshiisiinta , laga bilaabo 24/08/2026 wareegtada.
Madaxweynuhu, isagoo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta hawlaha maamulka, isla markaana qiimeeyey aqoonta, kartida iyo waaya aragnimada masuulka la magacaabay, wuxuu go’aamiyey in magacaabistani dhaqan gasho laga bilaabo taariikhda ay wareegtadu soo baxday. Madaxweynuhu wuxuu masuulka cusub faray inuu si hufan oo masuuliyad leh u guto waajibaadka xilka loo igmaday, kana shaqeeyo hirgelinta siyaasadaha, qorshayaasha iyo himilooyinka Dawlad Goboleedka Koonfurbari Soomaaliya. DHAMMAAD
