Government Events

Workshops, consultations and forums hosted across the state.

Community Convention - Biimaal ee Dhurqabe
18
May
2026

Community Convention - Biimaal ee Dhurqabe

Dhurqabe Convention Hall

A large-scale community convention bringing together elders, religious scholars, youth and women's groups for dialogue on stability and shared development priorities.

Civic Leadership Roundtable
05
Jun
2026

Civic Leadership Roundtable

State House Conference Room

A roundtable convening district administrators and civic leaders to align on the state's service delivery roadmap.

District Administration Capacity-Building Workshop
15
DEC
2025

District Administration Capacity-Building Workshop

State House Conference Hall

A governance workshop focused on improving district-level administration, public service coordination, and institutional accountability.

Investment and Diaspora Engagement Forum
10
JAN
2026

Investment and Diaspora Engagement Forum

South East State, Somalia

A forum designed to engage Somali investors, diaspora communities, private-sector actors, and development partners on economic opportunities.

DHISMAHA DOWLADDA KOONFUR-BARI EE SOOMAALIYA
14
May
2026

DHISMAHA DOWLADDA KOONFUR-BARI EE SOOMAALIYA

Hoos Qaboobe, Marka, Shabeellaha Hoose

Taariikh: 14 May 2026 Kadib soo gebagebeyntii taariikhiga aheyd ee shirweynihii Aaya-ka-tashiga “GUUL-WADE” (Hoggaamiyaha Guusha) oo socday muddo 17 maalmood ah laga bilaabo 3-da May ilaa 19-ka May 2026, odayaasha dhaqanka, hogaamiyeyaasha siyaasadda, iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee beelaha Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe iyo Degmada jamaame ee Koonfurta Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinayaan qodobbadan soo socda: 1. Aasaaska Dowladda Koonfur-Bari: Ergada shirku waxay si rasmi ah u go’aamiyeen in la dhiso Dowladda Goboleedka Koonfur-Bari Soomaaliya oo noqon doona Maamul Xubin ka ah DFS si waafaqsan dastuurka ku melgaarka ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo maamul ka tarjumaaya Rabitaanka dadka deegaanka. 2. Xuduudaha Maamulka: Koonfur-Bari Soomaaliya ,Waxay leedahay Dastuur qeexaaya Xuduudaha iyo Calanka Maamulka oo ah Gobolada Shabeelaha Hoose, Jubada Dhexe iyo Degmadda Jamaame. 3. Sababta Aasaaska Dowladda Koonfur-Bari: Dadka Goboladan Waxay Tirsanaayaa Gabood fal Gaamuray wax ka badan 15 sano oo kaga imaanaayay Maamuladii Jubaland iyo koonfur galbeed ee lakala raaciyay dadka deeganadan iyo ku xadgudub joogta ah oo lagu hayay Xuquuqahooda asaasiga ah. Koonfur Bari Soomaaliya kama dhalan dano siyaasadeed, Dano dhaqaale loogamana gol laha in Cid gaara lagu colaadiyo. 4. Midnimo iyo Aayo-ka-Tashi: Shirka oo ay martigeliyeen beelaha Biimaal ayaa mideeyay beelaha degan goboladan (Shabeelada hoose, Jubada dhexe iyo Degmada Jamaame )isla markaana lagu guulaystay dhismaha Maamul ku salaysan is-afgarad iyo Cadaalad. 5. Ansixinta Dastuurka: Shirku wuxuu si rasmi ah u ansixiyay una meel mariyay Dastuurka Dowladgoboleedka (Axdiga), isagoo la hubiyay inuu si buuxda ula jaanqaadayo Dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyada federalka ee Soomaaliya. 6. Doorashada Hoggaanka: 14.05.2026 ergadu waxay sameeyeen tallaabo dimuqraadi ah oo taariikhi ah iyagoo doortay Madaxweynihii ugu horreeya oo hoggaamin doona marxaladda kala-guurka isla markaana Meelmarin doona qorshayaasha siyaasadeed. 7. Magacaabidda Caasimadda: Magaalada Marka waxaa si rasmi ah loogu magacaabay caasimadda maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur-Bari. 8. Waafaqsanaanta Federaalka iyo Qarannimada: Waxaan mar kale xaqiijinaynaa oo ballanqaadaynaa inaan si dhow ula shaqeyn doono Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si loo dhammaystiro Federalisam ku dhisan Cadaalad. 9. Mudnaanta Amniga iyo Horumarka: Maamulka cusub wuxuu mudnaan siin doonaa xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gaarsiinta muwaadiniinta adeegyada aasaasiga ah iyo dhisida kaabeyaasha dhaqaale. 10. Baaq Aqoonsi: Hoggaanku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, iyo saaxiibada caalamka inay aqoonsadaan geeddi-socodkan sharciyeysan ee ka yimid shacabka, ayna bixiyaan taageerada lagama maarmaanka u ah guushiisa. “Barwaaqo ku Timaadda Matalaad Caddaalad ah”

Education and Youth Development Consultation
25
JAN
2026

Education and Youth Development Consultation

Ministry of Education

A policy consultation focused on education access, youth skills development, employment opportunities, and community participation.

Cookie Notice

We use cookies to improve your experience on this site, analyse traffic and support our services. By clicking "Accept", you agree to our use of cookies. Read our Cookie Policy and Privacy Policy.