MADAXWEYNAHA KOONFURBARI OO SOO SAARAY WAREEGTO MADAXWEYNE OO LAGU MAGACAABAY SADDEX WASIIR
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfurbari Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka November 2026, soo saaray Wareegto Madaxweyne tirsigeedu yahay KBS/WR/004/2026, taas oo lagu magacaabay saddex Wasiir oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfurbari. Wasiirrada la magacaabay ayaa kala ah: 1. Cabduqaadir Xasan Barrow – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. 2. Maxamuud Cusmaan Aadan – Wasiirka Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. 3. Prof. Xuseen Cabdulwali Xasan (Biyaanga) – Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare. Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada Madaxweynaha ee dhismaha hay'adaha dowladda, xoojinta hoggaanka wasaaradaha iyo dardargelinta howlaha dowladnimo.
