MADAXWEYNAHA DOWLADDA KOONFURBARI OO QAABILAY MADAXDHAQAMEED IYO XILDHIBAANNO HEER FEDERAAL AH

28 August 2026 Office of Communicationsgovernment
MADAXWEYNAHA DOWLADDA KOONFURBARI OO QAABILAY MADAXDHAQAMEED IYO XILDHIBAANNO HEER FEDERAAL AH

Madaxweynaha Dowladda Koonfurbari Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Axmed, ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Marka ku qaabilay Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Suldaan Cali, Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali Ugaas Xuseen, iyo xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala degaannada Koonfurbari. Kulankan heerka sare ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadatashiga, midnimada mowqifka, iskaashiga hoggaanka iyo bulshada, iyo dardargelinta hannaanka dowladdhiska. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey madaxdhaqameedka iyo Xildhibaannada kaalinta ay ka qaadanayaan mideynta bulshada, xoojinta wadajirka iyo horumarinta deegaannada Koonfurbari. —DHAMMAAD—

Back to News
Cookie Notice

We use cookies to improve your experience on this site, analyse traffic and support our services. By clicking "Accept", you agree to our use of cookies. Read our Cookie Policy and Privacy Policy.